Beesha Howraar Same oo Machad usoo xirtay Arday Kasoo Jeeda Beesha.(Maqal)
Arday kasoo jeeda Beesha Howraarsame ee beelaha Sade ee wax ku barta Machad ufuran Beeshaasi ayaa soo bandhigay heerka waxbarashadooda.
Culumaa’udiin iyo odayaal dhaqan ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu soo xiray Dufcada sadaxaad ee ka aflaxda Machadka imaamu dahabi ee Culuumta sharciga ah.
Qaar kamid Ardayda wax ku bartay Machadka ayaa Munaasabada kusoo bandhigay qeyb kamid ah waxyaabihii la baray oo ay ku farxeen kasoo qeybgalayaasha Munaasbaada.
Xamsa Sheekh Xuseen Aadan oo ah Maamulaha Machadka imaamu dahabi oo lagu soo dhaweeyay mekrafoonka ayaa ku dheeraaday Fadliga Cilmiga isagoo soo hadal qaaday Taariikhda Machadka.