Ciidamada Al-Shabaab oo howlgallo ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose.
Jabhadda Wilaayada Islaamiga ee Jubbooyinka ayaa habeenkii xalay waxay weeraro ku qaaday Difaacyada ciidamada dowladda iyo kuwa Gumeysiga Kenya ay ku leeyihiin deegaanno katirsan gobolka Jubbada hoose.
Ciidamo aad u qalabeysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa saqdii dhexe ee xalay waxay weerareen difaac dhawaan ciidamada dowladda ay ka sameysteen nawaaxiga Akadeemiyada oo ku taalla meel u dhow jaamacadda magaalada Kismaayo.
Difaacan ayaa Ciidamadu waxay ku difaacayaan ciidamada Kenyaatiga ee ku sugan dhismaha Jaamacadda, waxaana goobta ka dhacay dagaal in muda ah socday.
howlgal kale ayay Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Taabto oo ay ku suganyihiin ciidamada Kenya.
Gabaldhicii xalay ayay Mujaahidiintu oo aad u hubeysan u daateen difaacyada Ciidamada Kenyaatiga, waxaana halkaas ka dhacay dagaal qaraar.
Khasaare ayaa lasoo warinayaa in labadaas howlgalba ay ka dhasheen, balse weli ma hayno tiro rasmi ah.