Ciidamo Kenyaati Ah Oo Lagu Weeraray Nawaaxiga Raas-kambooni.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo Kenyaan ah, kuwaas oo marayay meel u dhow degaanka Raas-kambooni.

Weerarka oo dhacay duhurnimadii maanta ayaa waxay wararka horudhaca ah ee laga helayo sheegayaan in Kenyaatiga laga gubay hal gaari, iyadoo dhacdadaasi kadibna uu dhacay dagaal fool-kafool ah oo aan illaa iyo hadda la helin natiijadiisa.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si joogto ah u beegsada askarta shisheeye ee kusoo duulay Soomaaliya, taas oo keentay inuu yaraado dhaqdhaqaaqooda.

Dhawaan ayay ahayd markii taliska ciidamada shisheeye ay sheegeen iney ku fashilmeen xaqiijinta ahdaaftii ay u yimaadeen wadanka, iyadoo sidoo kale taliska ciidamada Mareykanka ee Africom uu isna sheegay in askarta shisheeye ay quus taagan yihiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.