Ciidamo Ameerikaan ah oo gaaray dalka Suuriya.

Warbaahinta Reer galbeedka noocydooda kala  duwan ayaa baahinaya taqaariir iyo warbixino sheegaya in ciidamo katirsan Marenezka Maraykanka ay gaareen dalka Suuriya, kuwaas oo isku diyaarinaya dagaallo toos ah iney ka galaan dalkaas.

Ciidamadan oo aan la ogeyn tiradooda rasmiga ah iyo weliba goobta rasmiga ah ee ay ku suganyihiin ayaa wakaaladaha wararka waxay sheegayaan in ciidamadan ay ku suganyihiin gobolka Al-Raqqa ayna doonayaan in malleeshiyaadka kurdida ay ka saacidaan dagaal ay ku doonayaan iney ku qaadaan magaalada Raqqa.

Ciidamadan Ameerikaanka ah ayaa wata  hubka culus ee madaafiicda, waxaana ay u muuqdaan iney yihiin guutooyin dagaal.

Sarkaal Ameerikaan ah oo la hadlay wakaaladaha reer galbeedka ayaa sheegay in ciidamadan ay gaareen Suuriya maalintii shalay oo Arbaca ahayd, waxaana weli lahayn tiradooda  dhabta ah.

Dhawaan ayaa Ciidamo Ameerikaan ah waxaa lagu arkay magaalada Minbij ee dalka Suuriya, kuwaas oo aad u hubeysan, waxaana war kasoo baxay xilligaas Pentagonka lagu sheegay in  ciidamadan ay ujeedadoodu tahay iney kala dhex galaan dagaal laga yaabo in  magaaladaas uu ku dhexmaro malleeshiyaad bah wadaag la ah Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.