Ciidamo katirsan Xukuumadda taagta daran ee Yaman oo lagu dilay dalkaas.

Qarax Miino oo u muuqday mid dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay kolonyo katirsan ciidamada Xukuumadda taagta daran ee dalka Yaman oo wajaheysa dagaallo adag oo uga imaanaya dhanka Xuuthiyiinta.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan, islamarkaana si aad loo maqlay ayaa ka dhacay magaalada Ma’irb oo ah caasimadda isla gobolkaas, taas oo caan ku ah wax soo saarka Shidaalka oo Allaah uu ku manneystay guud ahaan gobolkaas.

Qaraxa ayaa la kacay mid kamid ah Gawaaridii kolonyada, waxaana gaariga uu qaraxu la kacay saarnaa Askar farabadan iyo Shidaal, taas oo keentay in gebi ahaanba gaariga uu basbeelo.

Inta haatan la xaqiijiyay waxaa ku dhintay qaraxaaas Shan Askari oo aad u gubtay, iyadoona tiro kale oo Ciidamo ah ay ku dhaawacmeen.

Lama oga cidda ka dambeysa weerarkan, waxaana gobolkaas ka dhaca dagaallo dhexmara malleeshiyadka Xuuthiyiinta iyo kuwa Xukuumadda Yaman.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.