Ciidamo Kenyaati ah oo lagu dilay gobollada Jubbooyinka.

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya ayaa tibaaxaya in ciidamada Kenya ay la kulmeen silsilado weeraro qaraxyo ah, kuwaas oo loogu aasay hareeraha wadooyinka ay ku safraan.

Warar ay heleyso Idaacadda Al-Furqaan waxay sheegayaan in illaa Afar Qarax lagu weeraray gawaari ciidan oo dowladda Kenya ay leedahay, kuwaas oo ku safrayay deegaano dhaca xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.

labo Qarax oo kamid ah qaraxyadaas waxaa lagu weeraray ciidamo ka baxay Soomaaliya kuna sii jeeday Jaziiradda Laamu, waxaana la bas beeliyay labo baabuur oo noocyada dagaalka ah.

Labada Qarax ee kale waxaa iyagana lagu weeraray gawaarida loo yaqaano Cagafta kuwaas oo ku guda jiray falida wado isku xirta Kulbiyow iyo deegaannada dhaca dhulka ay Kenya xooga uga heysato Soomaaliya.

Isku darka Khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas waxay gaarayaan Dhimashada 4 Askari iyo dhaawaca 9 kale oo kenyan ah, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.