Ciidamo Maraykan ah oo lagu arkay dalka Suuriya.
Dowladda Maraykanka ayaa faragelin toos ah waxay ku heysaa dalka Suuriya oo uu ka soconayo dagaal dhinacyo badan oo u dhexeeyo kooxo kala duwan, waxaana Maraykanku dagaal toos ah kula jiraa jamaacaadka Jihaadiga.
Markii ugu horreysay ciidamo Ameerikaan ah ayaa lagu arkay magaalada Minbij oo dhawaan ay la wareegeen kooxo ay taageerto dowladda Turkiga, waxaana ciidamada Maraykanku ay socdaal dheer ku sameeyeen gudaha magaalada iyadoona la arkayay gawaari gaashaman oo uu ka taaganyahay calanka Maraykanka.
Afhayeen u hadlay Pentagonka ayaa qiray in ciidamo katirsan kuwa Maraykanka ay ku suganyihiin magaalada Minjbij, kuwaas oo uu sheegay in hadafkoodu yahay iney kala ilaaliyaan kooxaha farahabadan ee ku sugan magaalada inuu dhexmaro dagaal toos ah.
Soo muuqashada ciidamada Maraykanka ee dalka Suuriya ayaa ah tallaabo muujineysa sida dowladda Maraykanka uga go’antahay la dagaalanka Jamaacaadka Jihaadiga ee Suuriya, waxaana marka Maraykanku dagaal kula jiro Muslimiinta jirin sharci ka ilaaliya inuu ku xadgudbto dalal uu isagu ku tilmaamo iney madax banaanyihiin.