Dagaal Gobolka Jubada hoose ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Maraykanka.

Ciidamo huwan ah oo ka kooban Ameerikaan, Kenyaati iyo kuwa maamulka Axmed Madoobe ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay duulaan kusoo qaadeen deegaannoa dhaca duleedka magaalada Kismaayo oo lagu maamulo Shareecada Islaamka.

Ciidamadan huwanta ah ayaa soo gaaray deegaanka Buula-guduud oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo, waxaana markii waxyar ay dhaafeen deegaankaas qabsaday dagaal kulul oo ay kusoo qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid culus islamarkaana lagu kediyay ciidamadii huwanta ahaa ee ka koobnaa Maraykan, Kenyaati iyo Soomaali ayaa in muda ah socoday, waxaana lagu soo waramayaa in khasaare la gaarsiiyay ciidamadaas.

Warar horudhac ah oo kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda Al-Furqaan wuxuu sheegayaa in Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku guuleysteen iney gubaan gaari nooca Cabdi bilaha Soomaalidu u taqaano, waxaana ku dhintay saddex Askari oo katirsan maamulka Axmed Madoobe.

Ciidamadii duulaanka soo qaaday ayaa ku laabtay iyagoo jab xoogan uu gaaray magaalada Kismaayo, waxaana deegannadii caawa lagu dagaalamay si buuxda u maamulaya Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Maraykanka iyo Ciidamada Kenyaatiga ayaa dhowr jeer oo hore waxay weerar kusoo qaadeen deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo oo ku jira gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana mar waliba oo duulaan ay soo qaadaan la gaarsiiyaa khasaare adag.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.