Dagaal Qarax iyo Dil Caawa Ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Caawa weerar ku qaaday wasaarada gaashaandhiga Magaalada Muqdisho oo fariisin u ah Ciidamada Milatariga Dowladda.

Dagaalka oo socday 20 daqiiqo ayaa Hubka la is weedaarsaday  si weyn looga maqlayay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Qoriga RBG rasaas ka dhacday ayuu dagaalka ku bilowday, waxaana xigay xabado ay is dhaafsadeen Ciidamada Alshabaab iyo kuwa Dowladda federaalka.

Xaalada ayaa haatan waxay umuuqataa mid dagan, waxaana dib ugurtay Ciidamada weeraray wasaarada gaashaandhiga.

Lama hayo qasaaraha dagaalka uu gaystay maadaama ay tahay xili habeen ah,walina dhinacyada dagaalamay kama aysan hadlin dagaalka.

Dhanka kale bam gacmeed ayaa caawa lagu tuuray Xarunta maxkamada Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Rag bastoolado ku hubeysana waxay Caawa isgoyska Afarta Jardiino Ku dileen Nin magaciisa lagu soo koobay Amadi.

Si kastaba ha ahaatee howlgallo kala duwan ayay Alshabaab ka fulisay Muqdisho wixii ka danbeeyay markii la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.