Degdeg: Afhayeenka Boliska Ee Uganda Oo La Dilay.
Afhayeenka ciidamada Boliska dowladda Uganda ayaa wax yar ka hor lagu dilay meel u dhow magaalada Kambala ee caasimadda dalkaasi, kadib markii lagu rasaaseeyay gaari uu saarnaa.
Afhayeenka oo lagu magacaabi jiray Felix Kawesi ayaa waxaa la geeriyooday waardiyihiisii iyo darawalkiisii, waxaana xusid mudan in halka ay toogashada ka dhacday ay 100 tallaabo u jirto gurigiisa.
Xogta horudhaca ah ee la helayo ayaa ku waramaysa in Felix Kawesi uu u socday jaamacad ku taala magaalada si uu khudbad uga soo jeediyo. Sidoo kale ninkan ayaa kamid ahaa saraakiisha sarsare ee Boliska wadanka Uganda.
Ma jiro wax war ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay xukuumadda Kamballa oo ku aadan dhacdadan. 31 Mar 2015 ayay ahayd markii isla magaalada Kmabala lagu dilay haweeney ka tirsanayd garsoorka dowladda Uganda.
Ammaanka Uganda ayaa faraha kasii baxayay tan iyo markii ay dowladda wadankaasi ciidamadeeda usoo dirtay dalka Soomaaliya, Sidoo kale 2010 waxaa Uganda ka dhacay weerar culus oo looga dilay ku dhawaad boqol, kaasoo uu fuliyay mid kamid ah dagaalyahanada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Laakin ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka maanta.