Degdeg: Xildhibaano Hore Iyo Saraakiil Ku Dhintay Qaraxa Hotel Wehliye. (Magacyadooda)
Faah-faahin ayaa kasoo baxaysa weerar qarax ah oo barqanimadii maanta ka dhacay goob u dhow hotelka Wehliye ee wadada Maka Al-mukarama, halkaasoo isu imaatin u ahayd saraakiisha nabad sugidda iyo xildhibaanada iyo shaqaalaha wasaaradaha qaarkood.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan islamarkaana laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 oo ay ku jiraan, xildhibaano hore iyo saraakiil ka tirsan milatariga iyo nabad sugidda DF.
War-baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa heshay xog rasmi ah, waxaana dadka weerarka lagu dilay kamid ah: General Maxamad Cabdiraxmaan oo nabad sugidda ka tirsanaa, Col/Nuur Saafi oo isna Nabad sugidda kamid ahaa iyo Col/Cumar Maxamuud oo ka tirsanaa saraakiisha milatariga.
Intaa waxaa dheer oo weerarkaasi ku dhintay xildhibaano hore oo ay kamid yihiin, Ex. Xildhibaan Xassan Cumar iyo Ex.Xildhibaan Maxamad Nuur. Waxa kale oo uu dhaawac halis ah soo gaaray Ex. Xildhibaan Cabdullaahi Leeste oo hadda kamid ahaa saraakiisha Nabadsugidda.
Weerarkan ayaa waxaa ka badbaaday wasiirka Kalluumeysiga DF Maxamad Cumar Camooy, waxaana ay wax yeelo kasoo qaartay qaar kamid ah ilaaladiisa, sida uu isagu sheegay xilli uu la hadlayay war baahinta maxalliga ah.