Dhagayso: Xukun Toogasho ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose.
Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamiga ee Wilaayada Shabeellaha hoose ayaa xukun Xaddu Ridda ah waxya ku fulisay mid kamid ah Odoyaashii soo xulay baaralamaanka maamul Koonfur Galbeed ee uu madaxda ka yaahy Shariif Sakiin.
Fagaare weyn oo ku yaala degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayna isugu soo baxeen tobanaan Ruux oo kamid ah dadka deegaanka ayaa waxaa Xukun dil toogasho loogu fuliyay Cusmaan Diini Cali oo 82 sana jir ah, kana mid ah Odoyaashii soo xulay baarlamaanka maamulka Shariif Sakiin.
Mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo fagaaraha ka akhriyay xukunka ayaa sheegay in ninkan ay ku fulinayaan Xukun Xaddu Riddo ah.
Halkan ka dhagayso Qaadiga oo ku dhawaaqay Xukunka.