Dhageyso:Beesha Cowramale oo hub Ku Wareejisay Xarakada Alshabaab.

Munaasabad ka dhacday Magaalada Jilib ee wilaayada Jubooyinka ayay beesha Cowramale kaga soo baxday balanqaad  horay ay ubalan qaaday oo ahaa in hub ay ku wareejinayaan xarakada shabaabul Mujaahidiin.

Beesha Cowramale ayaa sheegtay in hubkaasi uu dhankooda ka yahay sadaqo oo ay ugu talagashay in lagula dagaalamo oo lagu difaaco shisheeyaha kusoo duulay Dalka Soomaaliya.

“Waxaan rajeyneynaa in hubkaan fatuuxaad badan lagu furto gaaladana ay ku hoogto”ayuu yiri Mid kamid ah odayaasha Beesha.

Dhageyso Odayaasha Beesha Cowramale

Waaliga Wilaayada Jubooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdala oo Munaasabada ka hadlay ayaa beesha kaga mahadceliyay hubkaan ay bixisay isagoo ugu duceeyay meesha ay ka keeneen in allaah uu ugu buuxiyo wax ka qeyr badan.

Waxa uu sheegay in beesha kasoo baxday balantii ay qaaday, dhankoodana ay kasoo bixi doonaan waxyaabihii ay balan qaadeen.

Halkan Ka Dhageyso Codka Abuu Cabdala.

Sikastaba ha ahaatee xarakada shabaabul mujaahidiin oo dagaal kula jirta shisheeyaha ayaa taageero ka heshay qabaa’ilaadka Soomaaliyeed oo maal iyo nafba ku bixiyay jihaadka ka socda Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.