Dhageyso:Machad ugaar ah Haweenka oo Laga Furay Owdheegle.

Munaasabad Balaaran oo Lagu furayay Machadkaan oo Loogu magac daray Umu Dardaa ayaa waxa ay ka dhacday Magaalada Owdheegle ee Shabeelaha Hoose.

Machadkaan ayaa si gaar ah waxaa wax ku baranaya Haweenka ku dhaqan Degmada Owdheegle.

Owdheegle ayaa ku tilaabsatay Horumar dhanka waxbarashada, waxaana dadka halkaasi ku dhaqan ay yihiin kuwa uheelan waxbarashada.

Waaliga Shabeelaha Hoose Sheekh Abuu Usaama ayaa Munaasabada ka sheegay in wilaayo ahaan iyo ganacsatada deegaanka ay iska kaashadeen dhismaha Machadkaan si ay wax  ugu bartaan haweenka oo horay aanan uheysan meel sidaan oo kale oo ay wax ku bartaan,

“Waa waajibka koowaad inaan gabdhaha wax barno oo diinta aynu fahansiino si ubadka noogu badbaadaan”ayuu yiri waaliga

Sheekh Abuu Usaama ayaa dadka ku  dhaqan degmada Owdheegle kula dardaarmay inay ku dadaalaan barashada diinta si looga badbaado jahliga oo ah cudur.

Halkan Ka Dhageyso Kalimada Abuu Usaama.

Odayaasha iyo Ganacsatada ku dhaqan Owdheegle oo Munaasabada ka hadlay ayaa umahadceliyay wilaayada dadaalkeeda ku aadan in umadda la baro diintooda oo aysan jaahil ka noqon.

Halkan Ka Dhageyso Codka Odayaasha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.