Dhimashada weerarkii Maraykanku ku qaaday Masjid ku yaala Suuriya oo korortay.(Sawirro+Bayaan)
Habeennimadii Jimcaha ay soo galeysay ayaa diyaarad ay leedahay dowladda Maraykanka waxay duqeyn cadowtooyo ku qaaday masjid ay ku tuknayaan boqolaal Ruux oo Muslimiin ah, kuwaas oo gudanaya waajibka salaadda Cishaha.
Sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah waxay diyaaradda oo oo saacado dul heehaabeysay deegaanka ay Afar Saaruukh oo kala daran ku dhuftay dhismaha Masjidka, kaas oo gebi ahaanba burburay markii duqeyntu ku dhacday, waxaana xusid mudan in sawaariikhda Afarta ah ay kala dambeeyeen.
Saaruukha ugu dambeeya ayay diyaaraddu soo tuurtay markii ay aragtay in dadka qaar ay nuux nuuxsanayaan, islamarkaana ay naf ku jirto, waxaana sida muuqatay hadafka duqeyntu ahaa in gebi ahaanba la laayo dadka masjidka ku sugnaa.
Saacadihii hore ee weerarka waxay dhimashadu gaartay 42 Ruux, balse haatan way korortay sababtoo ah waxaa jira dhaawacyo halis ah oo suuragal ay tahay in saacad kasta ay raacaan tareenka Geerida.
Inta haatan la hubo waxaa dhintay 60 Ruux, waxaana dhaawac ah inkabadan 200 oo ruux, waxaana xusid mudan in in gebi ahanba dadka ku tuknayay Masjidka ay noqdeen kuwa dhintay iyo ku dhaawacmay.
Sida ay sheegayaan dadka deegaanka Al-Jiina ee gobolka Xalab oo ah halka ay duqeyntu ka dhacday, dadka la duqeeyay ee lagu dilay Masjidka waxay u badnaayeen Jamaacada Tabliiqa oo ku caan ah faafinta diinta Islaamka, waxaana salaadda kadib ay qorsheynayeen in dacwo shaaric ay ka sameeyeen deegaanka oo kamid ah goobaha ay gacanta ku hayaan Jamacaadka ka dagaalama dalka Suuriya.
Dowladda Maraykanka ayaa si cad oo ka gambasho lahayn waxay u sheegatay mas’uuliyadda duqeyntan lagu dilay dad tukanayay, waxaana bayaan kasoo baxay wasaaradda dagaalka ee the Pentagon lagu sheegay in dadka ay duqeyntu ku dileen ay ahaayeen dagaalyhano iyo saraakiil katirsan Alqaacida oo halkaas kulan kulahaa sida dowladda Maraykanku ay sheegtay.
Kooxaha badbaadada ee dalka Suuriya ayaa isku dayaya in burburka dhismaha Masjidka ay kasoo saaraan meydad iyo dad laga yaabo iney weli ay dhaawacyihiin balse weli howshoodu fari kama qodno, waxana ay sheegayaan in duqeyntu ay gebi ahanaba dumisay masjidka islamarkaana ay adagtahay in si sahlan loo faago burburka.
Dhanka kale hay’adda Taxriiru-Shaam oo katirsan jamaacaadka Jihaadiga ee ka dagaalama Suuriya ayaa bayaan ay soo saartay waxay uga hadashay duqeynta ay dowladda Maraykanka ka geystay masjidka Cumar bin Khadhaab ee deegaanka Al-Jiina ee gobolka Xalab.
Bayaanka oo koobnaa waxay hay’addu sheegtay in dowladda Maraykanku ay mar kale sugtay iney cadow ku tahay Muslimiinta Suuriya, saaxiibtinimada ay sheeganeysana ay tahay saaxiibtinimo ku dhisan dil.
Bayaanku wuxuu taczi u diray dadka Muslimiinta ee ku shahiiday duqeyntaas, waxaana dhanka kale uu shacakba Suuriya ugu hambalyeeyay sii socoshada kacdoonka Jihaadka ee Suuriya oo galaya sanadkii todobaad.