Dilal ka dhacay Muqdisho iyo duleedka Baydhabo.

Saacadiihii lasoo dhaafay dilal kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay iyo Bakool.

Rag hubeysan ayaa caawa Suuqa Bakaaraha waxay ku dileen Sarkaal katirsan ciidamada Bs-ta dowladda federaalka.

Sarkaalka la dilay waxaa magaciisa lagu soo koobay Daadireey, waxaana Ragga dilka geystay ay ka baxsadeen goobta  si nabad geliyo ay ku dheehantahay.

Dhanka kale duleedka magaalada Baydhabo iska horimaad ka dhacay waxaa lagu dilay Afar Askari oo katirsan dowladda federaalka.

Iska horimaadkan oo ahaa mid kooban islamarkaana dhexmaray ciidamada  Al-Shabaab iyo kuwa dowladda waxay Mujaahidiintu ku qabsadeen labo qori.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.