Diyaarad dagaal oo Nidaamka Nusayriyada looga soo riday dalka Suuriya.
Gelinkii dambe ee maalintii shalay oo Sabti ahayd ayaa kooxaha mucaaradka dalka Suuriya waxay ku guuleysteen iney dhulka soo dhigaan diyuurad dagaal oo uu leeyahay nidaamka Nusayriga Bashaar Al-Asad.
Diyaaradda lasoo riday oo nooceedu lagu sheegay Miig21 ayaa ah noocyada dagaalka, waxaana kahor inta aan lasoo ridin ay duqeymo ka fulisay deegaanno katirsan gobolka Idlib ee dalka Suuriya.
Axraaru-Shaam oo kamid ah kooxaha ka dagaallama dalka Suuriya aya war way soo saartay waxay ku sheegtay in dagaalyahaneeda qaabilsan difaaca cirka ay ku guuleysteen iney soo ridaan diyaaradan milliteri meel kudhow magaalada Salqiin ee gobolka Idlib.
Sarkaal katirsan Axraaru-Shaam oo kamid ah kooxaha Mucaaradka kuwooda ugu weyn oo la hadlay wakaaladda Anaadool ayaa xaqiijiyay in diyaaradda markii ay beegsanayeen ay ku socotay jawi hoose, taas oo fududeysay in la beegsado.
Warbaahinta Turkida ayaa dhankooda waxay sheegayaan in diyaaradda ay kusoo dhacday gudaha xuduud beenaadka Suuriya iyo Turkiga, waxaana burburka diyaaradda sawirro laga soo qaaday lagu baahiyay baraha Internetka.
Duuliyaashii diyaaradda ayaa la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana muuqaneysa in goobta ay ka baxsadeen, inkastoo dhanka Nidaamka aysan weli gaarin.
Tvga Nidaamka Bashaar Al-Asad ayaa xaqiijiyay soo dhicitaanka diyaaradda, iyagoona u sababeeyay cillado farsamo oo diyaaradda ku timid.