Dowladda Maraykanka oo mamnuucday in Qalabyada Electroniga lala raaco diyaaradaha ku wajahan dalkeeda.

Maraykanka oo wajahay dagaal furan oo Amni ah ugana imaanaya Jamaacada Jihaadiga ee Al-Qaacida ayaa soo saaray go’aan uu isleeyahay waxaad ku yarayn kartaa qatarta kaaga imaan karta Muslimiinta Mujaahidiinta ah.

Go’aan kasoo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay inaanan diyaaradaha kusoo wajahan dalkeeda, kana imaanaya dalal katirsan Muslimiinta aan lala soo raaci Karin qalabyada Electroniga iyo korontada, islamarkaana dadku soo raacaya diyaaradahaas aysan qaadan Karin wax kabadna teleefankooda.

Go’aankan oo hirgalay maalintii shalay oo Talaado ahayd ayaa dowladaha muwaadiniintooda laga mamnuucay in qalabyo Electronic ah ay qaataan marka ay ku wajahanyihiin dalka Maraykanka waxaa kamid ah Masar, Marooko, dhulka Xarameynka, Qadar, Imaaraatka, Kuweyt, Urdun iyo Turkiga.

Shirkadaha duulmiyaadyada ee dalalkaas ayaa dadka Musaafiriinta ah kuwar gelinayay in mamnuuc ay tahay in ay qaataan qalabyo Electronic oo ka weyn mobeylka, taas oo dadka safarka ah la yaab ku beertay, waxaana qalabyada la mamnuucay kamid ah Labtobyada caadiga ah ee inta badan dadku isticmaalaan.

Mas’uul katirsan dowladda Maraykanka oo la hadlay tvga CNN-ka ee kasoo baxa dalka Maraykanka ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadatay dowladda Maraykanka ay timid, kadib markii ay soo baxday handadaad dhanka amniga ah iyo  cabsi laga qabo weeraro ka yimaada dhanka Mujaahidiinta Alqaacida ee Jaziiradda Carabta.

Qalabyada la diiday waxaa kamid ah Labtobyada, DVD-yada, iyo wax kasta oo Electronic ah kana weyn mobaylka, balse kuma  jirto kuwa la diiday Qalabyada caafimaadka ee ay dadka qaar isticmaalaan.

Tani waxay ku tuseysaa cabsida iyo wal walka ay dareemeyso dowladda Maraykanka, gaar ahaan cabsida ay ka qabto weeraro uga yimaada Mujaahidiinta Alqaacida ee Jaziiradda Carabta.

Alqaacidada Jaziiradda Carabta ayaa dhowrjeer waxay ku guuleysteen iney dhex jeexaan kana gudbaan garoonada caalamiga ah, iyagoona gaaray gudaha dalka Maraykanka, waxaana kamid ahaa tallaabooyinkii guuleystay ee Mujaahidiintu qaadeen in istish-haadi lagu magacaabo Faaruuq Cabdil Mudalib uu ku guuleystay inuu raaco diyaarad Maraykanku leeyahay xilli ay soo dhaweyd ciida Kirismiska, balse qadarta Allaah inta aysan camaliyadu dhicin ayaa laga war helay, taas oo keentay in Mujaahidka gacanta lagu dhigo lana dhiga xabsiyada dowladda Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.