Dowladda Turkiga oo Sheekh dalkeeda ku sugnaa u gacan gelisay dowladda Kazakhistaan.

Maamulka cilmaaniga ee dalka Turkiga ayaa u gacan geliyay dowladda Kazakhistaan Sheykh caan ah oo kasoo jeeda dalkaas, kaas oo ku sugnaa dalka Turkiga.

Sheekhan loo gacan geliyay dowladda Kazakhistaan waxaa lagu magacaabaa Sheykh Cabdil Khaliil, waxaana diyaarad laga saaray garoonka Ataatoorik oo ay ku xirnaayeen isaga iyo qoyskiisa inkabadan boqol maalmood oo xiriir ah.

Waxaa Sheekha la geeyay dalka Imaaraatka Carabta halkaas oo laga saaray diyaarad ka degtay garoonka magaalada Asitaana ee caasimadda Kazakhistaan.

Kalimad lagu baahiyay internetka oo uu Shekehu jeediyay wuxuu ku sheegay intii garoonka Ataatoorik uu ku xirnaa in isaga iyo caruurtiisa ay la kulmeen dhibaatooyin kala gedisan oo uga imaanayay Booliiska, balse wuxuu sheegay in tacaamulkaas uu la kulmay uusan matalin shacabka muslimka ee Turkiga.

Hay’ado badan iyo shakhsiyaad ku sugan dalka Turkiga ayaa isku dayay In Sheekha ya saacidaan, kuna qanciyaan in dalka Turkiga la dejiyo balse dowladda Turkiga way diiday, waxaana sheekha la filayaa haddii Alle uusan badbaadin in lagu fuliyo dil toogasho ah. Waxaana muuqata Sheekha in lagu heysto diintiisa.

Dowladda Kazakhistaan ayaa kamid ah Jamhuuriyadaha dabadhilifka u ah dowladda Ruushka, waxaana ay la dagaalantaa madaahirta muuqata ee shacaa’irta Islaamka.

You might also like
1 Comment
  1. Ibnu taymiya says

    Sheekhaasi waxaa lagu haystaa diintiisa ,sidii reer asxaabul ukhduud

    وَمَا نَقَمُوا۟ مِنْهُمْ إِلَّآ أَن يُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ muslimiinta maanta joogtaa adduunka waa wada dambiilayaal intaa ay hiilaayiiin dadka dadkaasi ,iyo reer filisdiin, waayo arrimahan oo kale yimaadaan in jihaado ayuu ilaahay ina faray
    وَمَا لَكُمْ لَا تُقَـٰتِلُونَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلْمُسْتَضْعَفِينَ مِنَ ٱلرِّجَالِ وَٱلنِّسَآءِ وَٱلْوِلْدَ ٰنِ ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَخْرِجْنَا مِنْ هَـٰذِهِ ٱلْقَرْيَةِ ٱلظَّالِمِ أَهْلُهَا وَٱجْعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ وَلِيًّۭا وَٱجْعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ نَصِيرًا .

Leave A Reply

Your email address will not be published.