Hay’ad hoos tagta Alshabaab oo xoolo ku daweysay jubada dhexe(Sawiro+Dhageysi).

Xooluhu waa hantida koowaad ee soomaalida waxaana ku dhaqan dadka miyiga iyo kuwa magaalada intaba.

waxay u baahan yihiin in laga taxadero oo aad loo dhaqaaleeyoo sida in la geeyo meel biyo iyo baad leh cuduradana laga daweeyo.

hay’adda Al ixsaan ayaa dhawaan xoolo badan ku daaweysay deeganao ka tirsan gobalka jubada dhexe gaar ahaana degmada buu’aale.

Geel, ari iyo lo intaba ayaa lagu daweeyay deegaanada ridiile, jabbi, qararrey iyo qoryaale oo dhamantood hoos taga buu’aale.

Xoola dhaqatada ayaa soo dhaweeyay tilaabadaan waxaanay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in xoolaha loo daweeyo.

abaar ayaa ka jirta dalka soomaaliya inkastoo gobalkaan jubada dhexe gobalada kale ka roon yahay waxaana jira cuduro tabaryarada ka dhasha oo waqtiyadaan oo kale duunyada saameeya.

Hay’adda al ixsaan oo hoos tagta xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa qabata shaqooyin ay ka mid yihiin u gar gaaridda dadka tabaaleysan, qodista waraha iyo kanaalada, daweynta dadka iyo duunyada iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

hay’addaan waxaa lagu dhawaaqay dhowr sano ka hor kadib markii la ceyriyay hay’adihii shisheeye ee ka shaqeynayay dhibaatooyinkana ku hayay bulshada ku dhaqan deegaanada iminka shareecada islaamka lagu maamulo ee soomaaliya ka tirsan.

hadaba idaacada islaamiga ah ee alfurqaan ayaa goob joog ka ahayd xoolo daweynta waxaanay ka diyaarisay barnaamij gaar ah oo arintaas si qotta dheer uga faaleynaya.

Halkaan Ka Dhageyso Bar-Gaar ah oo ku saabsan Hay’adda Al Ixsaan oo xoolo ku Daweysay Gobalka Jubada Dhexe

Halkaan Ka Daawo Sawirada Deegaanka Radiile

Halkaan Ka Daawo Sawirada Deegaanka jabbi

Halkaan Ka Daawo Sawirada Deegaanka qararrey

Halkaan Ka Daawo Sawirada Deegaanka Qoryaale

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.