Hogaamiye katirsan kooxaha Suuriya ka dagaalama oo duqeyn lagu dilay.

Sida ay xaqiijiyeen Jihaadiyiin ku sugan dalka Suuriya oo isticmaala baraha Internetka, waxaa duqeyn diyaaradeed lagu dilay Sarkaal katirsan kooxaha Mucaaradka Suuriya ee dagaalka kula jira Nidaamka Nusayriyada iyo malleeshiyaadka Rawaafida.

Sarkaalkan la dilay waxaa lagu magacaabaa Abuu Jaamir Al-Xamawi waxaana uu ahaa madaxa maxkamadda isbaheysiga jihaadiga ee Jayshul Fatxi oo ay ka koobanyihiin jamaacaad badan oo Jihaadi ah oo ku sugan Suuriya.

Diyaarad drones ah oo ay leeyihiin Isbaheysiga uu Maraykanku madaxda ka yahay ayaa beegsatay gaari uu la socoday Abuu Jaabir iyo rag kale oo la socoday, kuwaas oo marayay meel u dhow magaalada Sarmadaa ee gobolka Idlib, waxaana lagu soo waramayaa in gebi ahaanba ay geeriyoodeen dadkii Gaariga saarnaa.

Sheeykh Cabdulllaahi Al-Muxaysini oo kasoo jeeda Xarameynka kuna sugan Suuriya ayaa bartiisa Telegramka wuxuu kusoo qoray war xaqiijinaya geerida Abuu Jaabir, waxaana uu ku tilmaamay inuu ahaa qof wanaagsan oo ay dhamaan dadku wada jecelyihiin.

Beegsashada Saraakiisha iyo ducaada Jamaacaadka Jihaadiga ee Suuriya ayaa aad usii kordhayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana Maraykanku mar waliba oo uu duqeyn fuliyo sheegayaa inuu beegsaday Saraakiil katirsan Alqaacida.

(financial-cents.com)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.