Hogaamiye sare oo katirsan Xamaas oo lagu toogtay Qazza.

Rag hubeysan ayaa Jiidda Qazza waxay ku dileen sarkaal katirsan garabka milliteri ee Xarakada Xamaas ee lagu magacaabo Al-Qassaam.

Ninka la dilay waxaa lagu magacaabaa Maazin Fuqahaa, waxaana uu kamid ahaa saraakiisha milleteri ee Al-Qasaam, waxaana uu kasoo baxay xabsiyada maamulka Yahuudda.

Afhayeenka ciidamada booliiska Qazza oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in Maazin 4 Xabadood looga dhuftay madaxa, islamarkaana ragga weerarka geystay ay isticmaalayeen hub aan codkiisa la maqli Karin oo lagu xiray qalabka qariya codka.

Maydka Maazin oo la keenay isbitaalka Al-Shifaa ee Qazza ayaa waxaa booqday sarakiil katirsan Xamaas oo uu ku jiro Ismaaciin Haniya.

War kasoo baxay Al-Qasaam waxaa lagu sheegay in weerarkan ay ka dambeeyaan gumeysiga Yahuudda, islamarkaana dhankooda ay jawaab adag ka bixin doonaan.

Maazin Fuqahaa ayaa kamid ahaa kun Maxbuus oo Alqasaam ay kasoo deysay xabsiyada Yahuudda, kadib markii ay ku dhaafsatay askari Yahuudi oo gacanteeda ku jiray, waxaana maxaabiis isdhaafsigaas uu dhacay sanadkii 2011.

Maazin Fuqahaa ayaa Yahuuddu waxay ku eedaynayaan inuu abaabulay weeraro lagu laayay ciidamo iyo shacab Yahuud ah kuwaas oo ka dhacay dhulka Yahuuda ay xooga ku heysato.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.