Inkabadna 10 Ruux oo ka kooban hal Qoys oo ku dhintay dalka Ciraaq.

Diyaaradaha Taxaalufka ay hogaamiso dowladda Maraykanka ayaa duqeymo cashwaa’i ah oo aan loo meel dayin waxay ka wadaan magaalada dulman ee Muusil oo dhowr bilood oo xiriir ah la kulmeysa weeraro iyo duqeymo uga imaanaya Rawaafidda iyo Isbaheysiga Reer Galbeedka.

Duqeymaha ayaa joogta ka ah magaalada, waxaana mar waliba ka dhasha istish-haadka tobaneeyo Ruux.

Duqeyntii ugu dambeysay ugana naxdinta badneyd waxay ahayd mid dhacday maanta taas oo ay ku dhinteen 14 Ruux oo ka kooban hal Qoys.

Saaruukh loo badinayo iney soo tuurtay Diyaarad katirsan kuwa Taxaalufka ayaa ku dhacay guriga qoyskan oo ku yaala Xaafad lagu magacaabo Nabi Jarjiis oo ku taalla bartamaha magaalada Muusil.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.