Itoobiya oo Isbedello ballaaran ku sameysay Biya Xireenka Al-Nahda.

Dowladda Itoobiya ayaa sii laba jibaartay qorshaha ay uga faa’ideysaneyso webiga Al-Niil ee mara dalkaas, kaas oo ay kaga sameysay biya xireenka Al-Nahda si ay uga soo saarto koronto baaxad weyn.

Warbixin lagu qoray wakaaladda rasmiga ah ee Itoobiya oo soo xiganeyso golaha fulinta ee ku howlan habeynta biya xireenka Al-Nahda ayaa sheegtay in tallaabadan ay sare u qaadeyso dabka uu soo saaro biya xireenka Al-Nahda, kaas oo markii hore ahaa 6000 MegaWatt, balse wuxuu hadda noqonayaa 6450 Megawatt.

Dowladda Itoobiya waxay ku doodeysaa in isbedelkan uusan wax saameyn ah ku keeni doonin dowladaha kale ee uu gaaro wabiga biyaha Al-Niil oo ay kamid yihiin Masar iyo Suudaan, sidoo kalena uusan waxba u dhimi doonin heshiiskii ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo labadaas dowladood bishii Marso ee sanadkii 2015.

Dacyatirkan dowladda Itoobiya ay ku sameyneyso biya xireenka Al-Nahda wuxuu billowday sanadkii 2011, waxaana xilligaas dowladda Itoobiya ay sheegtay iney ku dooneyso iney kusoo saarato dab gaaraya 5250 Megawatt, markii dambena waala kordhiyay illaa uu ka gaaro 6000 oo Meggawatt, waxaana haatan lagu daray 450 megawatt oo dheeraad ah, waxaana muuqaneysa in damaca dowladda Itoobiya uusan joogsi lahayn, mar waliba oo ay sii kordhiso korontada uu soo saaro biya xireenka waxaa yaraanaya biyaha webiga Al-Niil ee gaaraya dalalka Suudaan iyo Masar.

Dhanka kale war kasoo baxay dowladda Masaarida ayaa lagu sheegay inuusan jirin ogaysiis kasoo gaaray dhanka Itoobiya oo ku aadan isbedelkan cusub, waxaana mas’uul u hadlay Itoobiya uu sheegay in kulan ka dhici doona AlQaahira ay ku fallanqeyn doonaan arimahan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.