Jamaacaadka Jihaadiga Maali oo gaaray midnimo buuxda.
Jamaacaadka Jihaadiga ee ka howlgala dalka Maali ayaa gaaray midnimo buuxda, waxaana ay yeesheen hal hogaan, iyagoona beyco la galay hogaanka sare ee Alqaacida.
Muuqaal kooban oo ay baahisay mu’assaso cusub oo loogu magac daray Al-Zallaaqa ayaa waxaa kasoo muuqday madaxda Jamaacaadka Ansaaru-diin, Imaarada Mandiqadda Saxaraha, iyo Jamaacada Al-Muraabidhuun, kuwaas oo isgarab fadhiya, islamarkaana akhrinaya bayaanka midnimada.
Jamaacaadkan waxay ku midoobeen magac ah “ Jamaacada u hiilinta Islaamka iyo Muslimiinta” , waxaana amiir looga dhigay Sheekh Iyaad Agha Ghaali oo horey u ahaa amiirka Jamaacada Ansaaru-diin.
Sheykh Iyaad wuxuu ka sheekeeyay dadka qudwada u ah, iyo sida uu Alle u amray midnimada, waxaana gebegebada uu sheegay iney beyco la galayaan Jamaacada Al-Qaacida oo hormuud u ah Jihaadka lagula jiro Reer galbeedka.
maanshaa allaah ,ilaahay ha mideeyo ,oo kelmada tawxiidka ha ku mideeyo dhammaantoodba.