Khasaaraha ka dhashay weerarkii London oo sii kordhay.
Waxaa sii kordhaya dadkii dhaawaca iyo dhimashada ku noqday weerarkii gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska, kaas oo lagu qaaday xarunta baarlamaanka dalkaas oo xilligaas uu ka socoday kulan.
Sida ay sheegeen saraakiisha sar sare ee booliiska Ingiriiska, waxay dhimashadu mareysaa 5 Ruux oo uu kujiro ruuxii weerarka fuliyay, halka dhaawacyadu ay gaarayaan illaa iyo 40 Ruux.
Ilaha caafimaadka ayaa sheegaya in dhaawacyada qaar ay yihiin halis, maadaama uu six un u jiiray baabuurka uu watay ruuxa weeerarka fuliyay oo la sheegay inuu ahaa qof Muslim ah.
Booliiska Ingiriisku waxay aaminsanyihiin in ruuxa weerarka fuliyay uu ku saamoobay fakarka waxay ugu yeeraan “ Argagaxisada” , waxaase ay ka gaabsadeen iney sheegaan magaciisa.
Dadka weerarka ku dhintay waxaa ku jira Sarkaal katirsan Booliiska oo ruuxa weerarka fuliyay uu mindi la dhacay, waxana sidoo kale dadka dhaawacmay ku jira muwaadiniin kasoo jeeda dalka Faransiiska.
Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in saddex Ruux oo katirsan muwaadiniinteeda ay ku dhaawacmeen weerarka London, ayna si dhow ula socoto xaaladooda caafimaad.
Waa weerarkii ugu naxdinta badnaa sida ay sheegayaan warbaahinta Ingiriiska oo ka dhaca dalkaas tan iyo markii talada dalkaas ay la wareegtay haweeneyda lagu magacaabo Trezzy May oo ah ra’iisul wasaaraha dalkaas.
Waxaa suuragal ah in saacad kasta uu sii kordho khasaaraha ka dhashay weerarkan, sababo la xiriira xaaladda dhaawacyada qaar oo ah mid liidata.