Maalintii Labaad Ciidamada Itoobiya oo la kulmaya Dagaallo culus.
Ciidamada Itoobiya ee ku safraya inta u dhexeysa magaalooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Ceelbuur ayaa wajahay weeraro culus oo uga imaanaya dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya markii sadexaad ay la kulmeen weeraro culus oo ka imaanaya Jabhadda Wilaayada Islaamiga ee Galgaduud.
Deegaan lagu magacaabo Ood-Weyne oo Ciidamada Amxaarada xalay ku hooydeen ayaa waxaa ku qabsaday dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lasheegayaaa inuu jiro khasaare inkastoo aan la carabaabi karin.
Dadka Xooladhaqatada ee ku nool howdka tuulada Oodweyne ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney maqlayeen jugta hub culus oo labada dhinac ay is dhaafsanayaan.
Ciidamada Itoobiya ayaa gelbinaya gawaari faaruuq ah oo la sheegay in lagu soo daabuli doono Amxaarada ku sugan Ceelbuur, kuwaas oo doonaya iney isaga baxaan magaalada oo ay saddex sano gumeysi ku heysteen.