Sawirro: Maamulka Islaamiga Ah Ee sh/hoose Oo Billaabay Ol’ole Gurmad Ah.
Kadib markii qaar kamid ah degmooyinka iyo degaanada gobolka Sh/hoose saameyn ku yeesheen abaaraha, ayaa wuxuu maamulka gobolku billaabay tallaabo uu dadkaasi ugu gurmanayo oo dhowr marxaladood ka kooban.
Ugu horreyn wilaayada ayaa waxay magacawday guddi heer gobol ah oo shan xubnood ka kooban, si ay marka hore xaaladda usoo qiimeeyaan.
Guddiga ayaa si degdeg ah u guda galay hawsha, isgaoo ku wareegay gobolka, siiba meelaha uu jiilaalku saameeyay, waxaana usoo baxday iney lagama maarmaan tahay in shan degmo looga hawl galo sida ugu dhaqsiyaha badan, kuwaasoo kala ah:
Baraawe, Kurtunwaarey, Qoryooley, Tooratoorow iyo Wanlaweyn, waxaana xusid mudan in guddigu ay had iyo goor dersayeen, nolosha dadka, inta ay la eg tahay baahida biyaha, xaaladda waraha, nolosha xoolaha iyo faydhowrka guud.
Qiimeyn kadib waxay gudigu war bixin kusoo celiyeen wilaayada, waxaana durbadiiba la billaabay wajiga labaad oo ah biyo dhaamis.
Biyo dhaaminta waxaa laga billaabay degaano iyo tuulooyin hoos yimaada degmada Baraawe, waxaana kamid ah: Cali Farxaane, Hiijo Maxamad, Carra-cadde, Guduudey iyo kuwa kale.
Guddiga gurmadka abaaraha ee heerka gobol ayaanu kasoo xiganay in gaari booyad ah loo cayimay degaanadaas, kaasoo maalin dhaaf dadka waraab u geeya, waxaana qorshuhu yahay in biya dhaamintan la gaarsiiyo illaa tuulada Gabagabo. Si lamid ah waxaa la gaarsiinayaa Qoryooley, Tooratoorow iyo Wanlaweyn.
Intaasi kadib wilaayada ayaa billowday wajiga sadaxaad ee gurmadka oo ah raashin qeybin maalintii dorraad oo khamiis ahayd, waxaana laga billaabay Tuulada Nasrudiin oo hoos timaada degaanka Kuunyo-barrow.
Deeq isugu jirta, bur, bariis, sonkor iyo saliid ayaa loo qeybiyay 61 (lixdan iyo kow) qoys oo ah dadkii tabaaleysnaa ee ay abaartu saameynta ku yeelatay.
Wariyaheena Farxaan oo goob joog ahaa halkaas, ayaa sheegay in dadka si nidaamsan raashinka loogu qeybiyay, iyadoo qof walba magaciisa la sheegayay kadibna la siinayay.
Qoysaska ka faa’iideystay raashin qeybinta ayaa mahad ballaaran u celiyay Allaah, kadibna maamulka islaamiga ah oo juhdi ku bixiyay sidii wax loo gaarsiin lahaa.
Shalay oo jimco ahayd ayaa sidoo kale degaanka Kuunyo Barrow raashin loogu qeybiyay176 qoys oo isugu jira dad ay abaaruhu soo bara-bixiyeen iyo kuwa tabaaleysan oo degaanka ku nool.
Marka ay hawshan dhammaato, waxaa hadduu Allaah doono raashin la gaarsiin doonaa Cali Farxaane, Hiijo Maxamad iyo Tuulooyin kale. Waxaana xigi doona Haawaay, Sablaale iyo Deymaay.
Isku soo wada duuboo qoysaska ay wilaayada ugu tala gashay gurmadka ayaa waxay gaarayaa 3300, kuwaas oo qaarkood la gaarsiiyay, halka kuwa kalana ay hawshoodu socoto.
Gurmadka ay mujaahidiinta u fidinayaan walaalahood muslimiinta ah ayaa ka duwan kan hey’adaha oo ah mid xambaarsan sun, caafimaad darro iyo dhallan rog, halka maamulada islaamigu ka duulayaan walaaltinimada iyo awaamiirta Allaah ee aadan is kaalmeynta dadka muslimiinta dhexdooda ah. إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ اللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَاءً وَلَا شُكُورًا