Sawirro: Maamulka Islaamiga Ah Ee Sh/hoose Oo Biyo Dhaamin Ka Wada Dhulka Abaartu Ku Dhufatay.
Iyadoo sannadihii ugu dambeeyay ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waday hawlo loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, ayaa waxaa jirta in ay haatan sii laba jibaartay hawlahaas maadaama jiilaalku saameyn adag ku yeeshay dadka gaar ahaan reer miyiga.
Maamulada islaamiga ah iyo hey’adda Al-ixsaan ee Mujaahidiinta Ayaa wada gurmadyo mideysan, waqtiyada qaarna kala gaar ah, si wax looga qabto dhibaatada bulshada heysata. Usbuucyadii u dambeeyay waxaa raashin laga qeybiyay qaar kamid ah wilaayaadka islaamiga ah, iyadoo uu wali qorshahaasi socdo, lana sii wadi doono sida uu dhawaan shaaciyay afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh/Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere)
Marka laga yimaado raashin qeybinta, waxa kale oo socda ol’ole ballaaran oo biyo lagu gaarsiinayo dhulka oonleyda ah, waxaana dhawaan booqanay mid kamid ah degaanada hoos yimaada Baraawe oo kamid ah meelaha biyo dhaamintu ka socoto.