Malleeshiyaadka Rawaafida Ciraaq oo wada Tacadiyaad ka dhan ah Muslimiinta Ciraaq.

Iyadoo dagaallo culus ay ka socdaan magaalada Muusil oo ay Rawaafidu doonayaan iney la wareegaan ayaa waxaa dalka Ciraaq laga soo tabinayaa warar sheegaya tacadiyaad xoog leh oo ciidamada Shiicadu kula kacayaan dadka Muslimiinta Ahlu Sunnaha.

Malleeshiyaadka oo ay ka buuxdo cadaawadda ay u qabaan Muslimiinta ayaa marka ay cagta saaraan xaafad cusub ama deegaan aysan markii hore joogin waxay ku kacayaan gabood fallo kala duwan oo ay ku jirto in dadka Sunniyiinta ay garaacaan, islamarkaana u dhaadhiciyaan xabsi lagu tacdiibyo dadka.

Muuqaal naxdin badan oo lagu baahiyay baraha Internetka waxaa kasoo muuqanaya Oday waayeel Muslim ah oo ay jirdilayaan ciidamo katirsan Rawaafida xukuumadda Xaydar Al-Cibaadi.

Malleeshiyaadka oo six un u garaacaya ninkan da’da ah ayaak u qeylinaya in ninkan uu kasoo jeedo dalka Masar, balse lama xaqiijin karo dhabnimada warkaas.

Inta badan waxaa baraha Internetka lagu arkaa sawirro iyo muuqaallo naxdin badan oo muujinaya Malleeshiyaadka Shiicada oo gabood fallo nooc kasta leh kula kacaya Muslimiinta Ciraaq, waxaana weli dalkaas ka socoda dagaallo adag oo u dhexeeya Rawaafida iyo Muslimiinta Sunniga ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.