Maraykanka oo codsaday in loo soo gacan geliyo Gabar u dhalatay dalka Urdun.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Cadaalada ee dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu si rasmi ah uga codsaday dowladda Urdun iney kusoo wareejiso haweenay muslimad ah oo dhawaan laga soo daayay xabsi dhowr iyo toban sano ay ku jirtay oo ku yaala dhulka maamulka Yahuudda ay xooga ku heystaan.

Haweeneydan ay Maraykanku doonayaan in gacanta ay ku dhigaan ayaa lagu magacaabaa Axlaam Al-Tamiimi,  waxaana Maraykanku ay ku eedayeen iney gacan ku lahayd weerar sanadkii 2001-dii ka dhacay magaalada gumeysiga ku jirta ee Al-Qudus, kaas oo lagu laayay inkabadan toban Ruux oo Yahuud ah, waxaana ku jiray dadkaas la laayay kuwa heystay dhalashada dalka Maraykanka.

Sida uu sheegayo wargeyska afka dheer ee ay leeyihiin Yahuudda laguna magacaabo Yadiicoot Axranoot, waxaa Axlaam Al-Tamiimi ay gacan iyo taageeraba siisay fuliyaha weerarkaas 16 sano kahor oo lagu magacaabayay Cizzu-diin Al-Misri.

Haddii dowladda Urdun ay aqabasho dalabka uga yimid Maraykanka waxay ka dhigantahay in Axlaam Al-Tamiimi ay kamid noqon dooonta kumanaanka Maxbuus iyo boqolaalka gabdho ee u xiran dowladda Maraykanka, islamarkaana sida foosha xun loogu tacdiibinayo xabsiyada qarsoodiga ee dowladda Maraykanka.

Maraykanka waxaa u  xiran maxaabiis Muslimiin ah oo aysan jirin dembi ay galeen, waxaana lagu heystaa Islaamnimadooda oo kaliya, waxaa kamid ah maxaabiistaas Drs Caafiya Sadiiqi oo tacdiib iyo jirdillo kala duwan kula kulmeysa xabsiyada dowladda Maraykanka.

(crej.com)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.