Maraykanka oo Gumaad ka geystay dalka Afqanistaan.
Bayaan kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa looga hadlay khasaaraha ka dhashay duqeymo 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay diyaaradaha dowladda Maraykanka ay ka geysteen gobollo kala duwan oo katirsan dalka Afqaanistaan.
Imaarada ayaa xaqiijisay in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Maraykanka ay duqeeyeen illaa iyo Afar goobood, islamarkaana dhimasho iyo dhaawac ay ka dhigeen 66 Ruux oo dhamaantooda ahaa Shacab una badan dumar iyo Caruur aan waxba galabsan.
Gobollo kala duwan oo katirsan dalka Afqaanistaan ayay duqeymuhu ka dhaceen, waxaana kamid ah gobolka Zaabil, Wardak iyo gobollo kale.
Arinta la yaabka leh ayaa ah in xukuumadda kaabul ay ka faantay weerarada Maraykanku ku xasuuqeen dadka shacabka ah ayna ku sheegatay in dadka la dilay ay ka tirsanaayeen Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan.
Imaaradu waxay sheegtay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee cadadoodu kudhowday 70 Ruux aysan katirsaneyn Mujaahidiinta balsel ay ahaayeen shacab maati ah oo aan waxba galabsan.
Maamulka Casub ee Maraykanka ayaa u muuqanaya mid xooga saaraya fulinta duqeymo cashwaa’i ah oo aan lahayn hadaf muuqda, waxaana taas ay muujineysaa cadaawada Donalad Trump uu u qabo Muslimiinta halka ay gaarsiisantahay.