Maraykanka oo kudhowaad 1000 Ruux ku dilay Muusil.

Jariimo ka baxsan Banii aadamnimada islamarkaana inta badan ay iska indha tirayaan warbaahinta caalamka noocyadeeda kala duwan ayaa ka dhacday magaalada suniga ah ee Muusil wadanka Ciraaq.

Diyaaradaha  Isbaheysiga dowladda Maraykanka ay hogaamiso ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxay duqeymo aad u culus ku garaaceen xaafado kamid ah magaalada Muusil, waxaana mar qur ah ay dileen boqolaal Ruux oo ah shacab aan waxba galabsan.

Duqeymaha oo ahaa kuwa culus waxay dheceen labo waqti, waxaana lagu garaacay xaafado ay deganyihiin dadka Muslimiinta ee magaalada Muusil.

Marba marka ka dambeysay waxaa soo baxaya in khasaaraha shacabka gaaray uu sii kordhayo, waxaana tirada ugu dambeysay ee la helayo ay ku warameysaa dhimashada 500 oo Ruux, walow ay suuragal tahay in dhimashadu intaas kasii badato, maadaama ay jiraan maydad hor leh oo laga soo bixinayo burburka Guryaha hoostooda.

Warbaahinta ayaa si ula kac ah waxay uga aamusanyihiin xasuuqan, iyadoona la iska indha tirayo, waxaase jira hay’ado maxalli ah oo sheegta xuquuqda insaanka kuwaas oo gumaadkan ku tilmaamay mid kabaxsan banii Aadamnimada.

You might also like
1 Comment
  1. Ibnu taymiya says

    Alle dhammaan dadka muslimiinta ah ee uu fircoon iyo kaba qaadadiisu laayeen ha janeeyo ,iyaga sidii fircoon loo halaagay h u halaago,.Warbaahinta ka aamustay miyeeydaan ogeyn in ay qayb ka tahay dagaalka lagula jiro muwaxidiinta caalamka , waxay iyo soo gudbiyaan oo kaliya suurad xumaynta islaamka iyo wararka beenta ah ee ay cadaw ku dhiiri gelinayaan ,muslimiintana ku niyad jabinayaan tusaale ahaan waxay soo daayaa telefeeshinadu dokomatariyo ay ka sheekeenayaan nin baakistaaniya oo hinaasay oo naagtiisii gubay iygoo dadka u tusaya in tani tahay dhaqan.,waxaa kaloo ay baahiyaan inuu magaalooyin qabsaday nidaamka suuriya iyada oo any jirin .makaasi kuwni waa ka qayb siyaasada dawladahood ee ku dhisan islaam nacaybka ha moodina wax dhexdhexaad ah sida ay iyagu inoo sheegtaan.
    Ilaahay muwaxidiinta meelkasta ooay joogaan guusha ha siiyo ,fircoon iyo inta la socotan alla ha jabiyo.

Leave A Reply

Your email address will not be published.