Maraykanka oo shaaca ka qaaday mowqifkiisa ku aadan Hay’adda Taxriiru-Shaam.
Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horreysay waxay ka hadashey hay’adda Taxriiru-Shaam oo ah Jamaaco ay ku mideysanyihiin kooxo ka jihaada dalka Suuriya, islamarkaana bilo kahor lagu dhawaaqay.
Bayaan kasoo baxay wakiilka Maraykanka u qaabilsan dalka Suuriya Michel Ranti ayaa lagu sheegay in hay’adda Taxriiru-Shaam ay tahay koox Argagxiso ah, islamarkaana xubin ka ah Ururuka Al-Qaacida.
Bayaanka oo ku qornaa Luuqadda Carabiga ayaa intaas ku daray in hay’adan ay dooneyso iney la dagaalanto kooxaha Kacdoonka Suuriya oo uu Maraykanku ula jeedo kooxo isaga dabadhilif u ah balse sita shaarka kacdoonka.
Hogaamiyaha dhabta ee Hay’addu ayuu Maraykanku ku tilmaamay inuu yahay Sheykh Abii Muxamed Al-Jowlaani, halka ay sheegeen in Abii Jaabir Haashim Al-Sheykh uu yahay magac u yaal oo kaliya.
Waa markii ugu horreysay oo dowladda Maraykanka ay si toos ah uga hadasho mowqifkeeda ku aadan Hay’adda Taxriiru-Shaam, waxaana warkan kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka uu ka dhiganyahay mid lagu doonayo in si toos ah loogu beegsado hay’adda iyo saraakiisheeda.
Dulmi mooyee khayr daalin gaalihi malahan
Daba dhil ayey doonayaan ay dulays taane
Daaquud ayey doonayaam diidan tawxiide
Dayuus baro ayey doonayaan gata dalkiisiiye
Darajiyo miyuu gaal rabaa daarti aakhiraba
Wallee waayaab
Looma jeedo argagixinta oo marekanku wado wiilal yaryar oo ukacay halgan kadhan ah madaxweynaha cilmaaniga ah ayaa gafuurka laguwada taagaa