Qaraxyo iyo Dagaallo ka dhacay gobollada Shabeellooyinka.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dagaallo iyo howlgallo Qaraxyo ah ay ka dhaceen gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe, kuwaas oo u dhexeeyay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo ciidamada Shisheeye.

Haddii aan ku hormarno gobolka Shabeellaha hoose, waxaa dagaal qaraar uu dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Shisheeyaha.

Ciidamada Shisheeye oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday deegaanno u dhexeeya Qoryoolay iyo Jannaale ayaa mar qur ah waxay ka war heleen dagaal kulul oo uga yimid dhanka Mujaahidiinta.

Dagaalka oo saacado socoday waxaa ciidamada Shisheeye lagu qasbay iney hakiyaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay wadeen, waxaana iyagoo jabsan ay dib ugu laabteen tuulo lagu magacaabo Buula-Sheekh oo u dhow Qoryoolay islamarkaana ay ku leeyihiin saldhig ciidan.

Dhanka kale Rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa Bam gacmeed waxay ku tuureen ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa magaalada Buula-Mareer.

Bam gamceedka ayaa bartamaha laga dhigay ciidamo cunayay Maandooriyaha Qaadka, waxaana suuragal ah inuu jiro khasaare gaaray.

Dhanka kale Guutooyinka qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Qarax miino waxay la eegteen kolonyo katirsan ciidamada Brundi ee shisheeyaha ah oo marayay duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Qaraxa oo ahaa mid aad u cuslaa ayaa haleelay gaari gaashaaman oo kamid ahaa Kolonyada, waxaana halkaas gebi ahaanba ku burburay Gaariga.

Ciidankii saarnaa Gaariga la qarxiyay ayaa noqday dhimasho iyo dhaawac.

Howlgallada ka dhanka ah ciidamada Shisheeye ee duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa sii kordhaya, waxaana si joogta ah wilaayaadka dalka Soomaaliya uga dhaca weeraro dhiig badan looga daadiyo jinsiyadaha kala duwan ee Shisheeyaha kusoo duulay dalkan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.