Roobab Ka Curtay Qeybo Kamid Ah Soomaaliya.
Roobaab danka iyo duunyadu ay ku diirsadeen ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay ka da’een qeybo kamid ah gobollada dalka Soomaaliya.
Meelaha la xaqiijiyay iney Roobabku ka da’een waxaa kamid ah inta badan degmooyinka iyo baadiyaha gobolka Jubbada dhexe, waxaana degmooyinka ay Roobku ka da’een kamid ah Saakow, Bu’aale, Salagle iyo dhulka baadiyaha ee degmooyinkaas hoosyimaada.
Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sidoo kale inta badan deegaannadiisa waxaa ka da’y roob ay dadku ku diirsadeen, oo farxad geliyay dadka Muslimiinta ah ee la daala dhacayay Jiilalka daahay ee ku dhuftay Soomaaliya.
Ceelbaraf, Mahadaay iyo tuulooyin ballaaran oo hoosyimaada degmooyinkaas ayaa Roobabku ka da’een, waxaana ku qabowsaday dadka iyo duunyada.
Gobolka Galgaduud ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa in Roobabku ka da’een, deegaanno hoosyimaada Ceelbuur ayaa Roobab fiican oo lagu diirsaday ka da’een.
Qaybo kamid ah Gobollada Wuqooyi iyo Bari ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa dhawaan ka da’y roobabka Guga, waxaana rajada dadka Muslimiinta ay tahay mid aad u sarreysa.