Ruushka ooo Ciidamo geeyay xuduud beenaadka Masar iyo Liibiya.

Sida ay sheegayaan Saraakiil katirsan dowladda Maraykanka iyo maamulka Masaarida, waxaa dowladda Ruushka ay ciidamo keentay xuduud beenaadka Masar iyo Liibiya.

Ciidamadan ayaa ku sugan saldhig dhanka hawada ah oo ay leedahay dowladda Masar, kuna yaala xuduud beenaadka Liibiya iyo Masar.

Hadafa ciidamadan ayaa loo maleynayaa taageerida dagaal Ooge Khaliifa Xaftar oo guul darooyin ay kasoo gaarayaan dagaalka ka socoda dalka Liibiya.

Saraakiisha Maraykanka waxay sheegeen in mandiqadda ay ciidamada Ruushka ku suganyihiin lagu arkay diyaarado duuliye la’aan ah oo dul heehaabaya hawada, waxaana diyaardahaas ay uruurinayaan macluumaad ku aadan juqraafiyadda dalka Liibiya, taas oo horudhac u noqon karta iney howlgallo iyo duqeymo fuliyaan.

Afhayeen u hadlay ciidamada Milliteriga Xukuumadda Siisi ayaa beeniyay in ciidamo Ruush ah ay joogaan xuduud beenaadka Liibiya iyo Masar.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.