Sarkaal Filastiini ah oo ku dhintay Xabsiyada Nidaamka Masar.

Warbaahinta Filastiiniyiinta ayaa qoraya warar sheegaya in Sarkaal katirsanaa booliiska Filastiin uu ku dhintay xabsi ku yaala dalka Masar oo maalmihii ugu dambeeyay uu ku jiray.

Sarkaalka dhintay waxaa lagu magacaabaa Wasiim, waxaana uu katirsanaa Booliiska dalka gumeysiga ku jira ee Filastiin.

Sida uu xaqiijiyay wiil la dhashay ninkan, waxaa Wasiim saddex maalmood kahor laga qabtay magaalada Al-Qaahira oo tobankii sano ee u dambeysay uu ku noolaa, waxaana la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qabashadiisa iyo weliba geeridiisa.

Safaaradda Filastiiniyiintu ku leeyihiin Al-Qaahira ayaa kuwar gelisay ehelka Wasiim in wiilkooda uu dhintay.

Waxaa lagu wadaa in meydka Wasiim la geeyo magaalada Qazza ee dalka Filastiin si halkaas loogu aaso.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.