Sarkaal katirsan dowladda oo lagu toogtay Muqdisho.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ku waramaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen Cabdullaahi Gacmo Gaab oo ahaa sarkaal katirsan dowladda.

Rag hubeysan ayaa ninkan oo ku sugnaa Suuqa Siinay ee degmada Wardhiigley dhowr rasaas madaxa kaga dhuftey, taas oo keentay in durba uu halkaas ku quur baxo.

Ragga Weerarka geystay ayaa goobta kaga tagay si nabad geliyo ay ku dheehantahay, markii ay dileen sarkaalka katirsan dowladda.

Dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah saraakiisha iyo ciidamada dowladda ayaa joogta ka ah Muqdisho, waxaana tan iyo markii Farmaajo la wareegay talada dowladda dhacay tobanaan weerar oo qorsheysan oo lagu dilay saraakiil muhiim u ahaa dowladda iyo ciidamo katirsan dowladda federaalka

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.