Xarakada Alshabaab oo Howlgalo ka fulisay Gobalada Bari iyo Bay.
Ciidamo katirsan kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan waxay ka fuliyeen magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari iyo duleedka magaalada Baydhabo oo ah magaalada madaxda gobolka Baay ee Soomaaliya.
Boosaaso, rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa bartamaha magaalada waxay ku toogteen Sarkaal dhar cad ah oo katirsanaa Sirdoonka maamulka Puntland.
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Sarkaalka la dilay lagu magacaabo Siyaad, uuna ahaa xubin firfircoon oo katirsan Sirdoonka Maamulka Puntland.
Dhanka kale Ciidamo katirsan Mujaahidiinta ayaa gaari shacab ah waxay kala degeen Sarkaal sare oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Itoobiya ay dhistay.
Sarkaalka oo ku safrayay Gaari shacab ayaa lagu qabtay deegaan duleedka ka ah magaalada Bayhabo, waxaana uu ahaa Labo Xidigle, isagoona kamid ahaa saraakiisha gacan saarka dhow la leh kuwa Itoobiya.