Sawirro: Beesha Cawramale Oo Hub Ku Wareejisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Beesha Cowramale oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa hub kala cayn ah ku wareejisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyadoo munaasabadda looga gudoomay ay ka dhacday magaalada Jilib ee wilaayada Jubooyinka.

Munaasabadda oo uu goob joog ahaa, waaliga wilaayada Jubooyinka Sh/Abuu Cabdalla, ayay beeshu ka sheegtay in hubka ay wareejisay uu yahay mid ay horay u ballan qaaday, uguna tala gashay in ay ku taageereyso halganka ka dhanka ah shisheeyaha kusoo duulay wadanka.

 

Dhageyso Odayaasha Beesha Cowramale

Waaliga Wilaayada Jubooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdala ayaa beesha kaga mahadceliyay hubkan ay bixisay, isagoo ugu duceeyay inuu Allaah badal kher qaba siiyo. Wuxuuna sheegay in beesha Cawramale ay kasoo baxday ballanta, iyaguna ay dhankooda kasoo bixi doonaan wax yaabihii ay ballan qaadeen.

Halkan Ka Dhageyso Codka Abuu Cabdala.

Sikastaba ha ahaatee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo dagaal kula jirta shisheeyaha, ayaa taageero ka heshay qabaa’ilaadka Soomaaliyeed oo maal iyo nafba ku bixiyay halganka si aaney u gumoobin oo aanan loo qabsan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.