Sawirro: Jamciyadda Al-Ixsaan Al-Khayriyah oo Raashiin ka qeybisay Kurtun-Waaray.
Jamciyadda kheyriga ee Al-Ixsaan ayaa gurmad la gaartay degmada Kurtun-Waaray oo kamid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha hoose.
Waxaa degmada ku nool dad ku saamoobay Abaaraha, islamarkaana ka yimid deegaanno hoosyimaada Kurtun-Waaray.
Dhawaan ayaa Jamciyadu waxay degmadaas Raashiin ugu qeybisay dad cadadoodu gaareyso 214 Ruux.