Sawirro: Salaad Roob Doon Ah Oo Laga Tukaday Sh/hoose.

Salaad roob doon ah ayaa laga tukaday degaan ka tirsan Sh/hoose, xilli ay abaari ka jirto gayiga Soomaaliya, waxaana dadku ay Allaah ka baryeen inuu abaarta, aaran ugu bedelo.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku baaqay in salaad roob doon ah la tukado, isagoo dadka muslimiinta ah dareensiiyay inaaney deeqda Allaah xilli ku xirnayn, bale ay ku xiran tahay baryadiisa, Allaahna uu goor walbaahi awoodo inuu adoomihiisa waraabiyo.

Dadka ka qeyb galay salaada roob doonka ah ayaa muujiyay is dhul dhig, waxaana ugu dambeyntii musallaha hadallo ka jeediyay qaar kamid ah culimada diinta islaamka, kuwaasoo iyaguna sheegay asbaabaha keena abaaraha, iyagoona u duceeyay muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.