Sawirro: Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka oo dib u furtay mashruucii Faanoole.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku jirta dagaal caalami ah oo looga soo horjeedo Shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya ayaa dhanka kale waxay Wilaayaadka Islaamiga ka wadaa mashaariic iyo howlo ay ku diirsadeen dadka Soomaaliyeed.

Markii ugu horeysay 27 sano kadib, waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku guuleystay iney dib u furto mashruucii caanka ahaa ee Faanoole, kaas oo ah mashruuc weyn islamarkaana biyaha Webiga Jubba lagu gaarsiinayo deegaanno katirsan gobollada Jubooyinka.

Waaliga Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka Sheykh Muxamed Abuu Cabdalla oo ka hadlay Xaflad xariga looga jarayay mashruuca ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan iney ka qeyb qaataan dhameystirka Mashruucan.

Dhowr Kiilmometer ayaa hadda lagu guuleystay in la dayactiro, islamarkaana biyuhu ay si toos ah u mari doonaan, waxaana howshu weli tahay mid aan fari ka qodneyn.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.