Sawirro+Dhageysi: Gurmad Xawli Ah Oo Ay Mujaahidiintu Ka Wadaan Mudug.

Maamulka islaamiga Mudug ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa wada gurmad xawli ah oo lagu caawinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, xilli dhibaatooyinka dadka saameeyay kuwooda ugu adag ay kamid tahay biyo la’aan.

Wilaayada ayaa u dhaqaaqday sidii ay biyo u gaarsiin lahayd dhammaan dhulka ay maamusho, iyadoo adeegsanaysa boouado, iyo gawaari waaweyn oo TM-yo ah sida laga dheehan karo sawirrada, waxaana goobaha uu gaaray gurmadkan kamid ah: degmada Xarar-dheere iyo degaanada hoos yimaada, si lamid ah, Jawlo iyo tuulooyinka hoos taga sida:-Ris, Dhalwo, Tuulo caddad, Galdhabo, iyo Sheebow.

Sidoo kale Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hawlo gurmad ah oo isugu jira biyo dhaamin, quudin iyo daweynba ka wada wilaayaadka islaamiga ah, iyadoo ay arimahan barbar socdaan Salaado roob doon ah oo la tukanayo si uu Allaah, abaarta, aaran inaagu beddelo.

Halkan Ka Dhageyso  Sh/Cabdul Qaadir Abu Cadnaan

 

 

 

,

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.