Sawirro+Dhageysi: Xabatu-sowda Oo La Tijaabiyay Iney Soomaaliya Ka Baxi Karto.

Xabatu-sowda, waa daawo la hubo, waayo waxaa inoo sheegay Nabigeena Muxamad صلى الله عليه وسلم. Waxay dalka Soomaaliya uga timaadaa, dibadda sida:- Itoobiya iyo Hindiya, iyadoo qiimo qaali ah la iibiyo.

Xilli inta badan dadku fahmeen wax tarkeeda, baahida loo qabana ay ka badatay, ayaa waxaa la ogaaday in ay Soomaaliya ka bixi karto kadib markii uu tijaabiyay nin wax ka yaqaana beeraha.

War-baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayay u suura gashay in ay booqato goobta Xabatu-sowdada lagu beeray oo ku taalla gobolka Sh/hoose, waxaana sawirro kasoo qaadnay iyada oo baxaysa iyo miraha ay dhashay intaba, sidoo kale waxaan wareysanay ninka beeraleyda ah.

Inkastoo aynu xog ku maqalnay in hadda ka hor Xabatu-sowda mar lagu tijaabiyay Afgooye, ayay waxaa xusid mudan iney arrintan kasii muhiimsan tahay maadaama aynu soo hubinay. Sidoo kale ninka tijaabada sameeyay ayaa waxa kale uu ku guuleystay inuu beero xulbada, oo aalaaba dalka dibaddiisa inooga timada.

Halkan Ka Dhageyso Sida Loo Beero Xabatu-sowda

XULBO

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.