Sawirro:Howlo Gurmad ah oo si habsami leh uga socoda Gobolka Galgaduud.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee wilaayada  Islaamiga ee Galgaduud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weli wada u gurmashada dadka Abaaraha ay saameeyeen ee ku dhaqan deegaannada iyo degmooyinka Galgaduud ay ka maamulaan Mujaahidiinta.

Saacadihii lasoo dhaafay waxay Wilaayadu gurmad Raashiin qeybin ah ka sameysay deegaanno dhaca nawaaxiga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dadka ka faa’ideystay Raashiin qeybintan waxay gaarayaan 230 Ruux oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ay ku kula dhaqnaayeen deegaannada Jacar, Towfiiq, Garbaweyn, Ceel-Qoxle, Ceel Meegaag, Dac iyo deegaanno kale.

Raashiinka la qeybiyay wuxuu isugu jiray Bur, Bariis, Sokor iyo Saliid, dadka loo qeybiyay ayaana baahi weyn u qabay Gurmadkaas.

Halkan ka Daawo Sawirro laga soo qaaday Raashiin qeybinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.