Urdun oo dil toogasho ah ku riday kudhowaad 20 maxbuus.
Sida uu sheegشغ wasiiru dowladha warfaafinta xukuumadda Urdun, waxaa saaka la toogtay maxaabiis ku jiray gacanta dowladda, kuwaas oo lagu soo eedayay arimo kala duwan.
Dadka dilka toogashada ah lagu fuliyay waxay gaarayaan illaa iyo 15 Ruux, waxaana kamid ah nin horey u dilay qoraa cilmaani ah oo aflagaadeeyay daatada Allaah Cazza Wajalla.
Dadkan la toogtay ayaa sida dowladda Urdun ay sheegtay waxay badankood fuliyeen weeraro iyo dilal ka dhan ah mas’uuliyiinta dowladda Urdun, waxaana goobta lagu dilayay ku sugnaa saraakiil sar sare oo katirsan garsoorka xukuumadda Urdun.
Nin ku sugnaa goobta lagu dilay dadkan ayaa sheegay in dhamaan maxaabiista la toogtay ay ku dhawaaqayeen shahaadateynka kahor inta aan la dilin, waxaana qaarkood ay qoreen dar-daarano ku socoda ahalkooda.
Xukuuumadda Urdun waxay kamid tahay dowladaha bah wadaagta istiraatiijiga la ah Maraykanka iyo reer galbeedka, waxaana si hagar la’aan ah uga qeyb qaadaneysaa duqeymaha cadowtooyo ee diyaaradaha Maraykanku ka wadaan dalalka Suuriya iyo Ciraaq.