Weerar Nafhurnimo oo ka dhacay Muqdisho iyo Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay.
Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa islamarkaana uu kaxeynayay Nafhure katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku qarxay bar kontorool oo ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo ciidamo katirsan PS-ta dowladda federaalka.
Qaraxa oo ahaa mid si aad ah looga maqlay gudaha magaalada Muqdisho ayaa Naftii huraha wuxuu ku guuleystay inuu ka gudbo Kontroollo dhowr ah, isagoona gaaray hadafkiisa, waxaana markas kadib uu fuliyay Qaraxa.
Ugu yaraan 20 Ruux oo isugu jira Saraakiil iyo Ciidamo katirsan Sirdoonka dowladda ayaa ku dhintay weerarka, waxaana jira dhaawacyo intaas kabadan oo la dhigay Isbitaallada dowladda ee Muqdisho.
Qaruxu wuxuu ku dhacay nawaaxiga Tiyaatarka magaalada Muqdisho, waxaana uu dhulka dhigay dhismayaal ka ag dhawaa goobta Qaraxa uu ka dhacay oo ah xarumo ay ku shaqeyso dowladda.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan Istish-haadiga ah, waxaana ay sheegtay in ay ku leyso dad ay ku tilmaamtay iney ahaayeen “Ashahaado” la dirir isugu jira Saraakiil iyo Ciidamo.