Xarakada Alshabaab Oo Soo Bandhigtay 46 Askari Oo Kasoo Goostay DF (Maqal+Sawiro)

Diinta islaamka waa diin dhameestiran oo lagu soo dajiyay Nabigeena Maxamed NNKH. Diinta islaamka ayaa lagu nasaqay dhammaan diimihii ka horeeyay. Islaamka ayaa ah diin qofkii qaata ka haqab tireysa dhammaan baahida uu qabo.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhidibada u aastay Markaz loogu magac daray Al-hidaaya taariikhdu markey ahayd 15 kii bishii rabiicul awal  1438 Hijiriga.

Ahmiyada Machadka loo furay ayaa ah in wax lagu baro oo lagu tarbiyeeyo dadka kasoo goosta DF. Markazka ayaa Muddo 3 Bilood ah, waxay dowro kaga socotay rag 46 ruux ah oo towbad keenayaal ah kuwaasi oo kasoo baxay sufuufta shisheeyaha dhowr gobal, iyagoo garwaaqsaday qaladka diineed ay ku dhaceen

Munaasabad Balaaran oo Lagu soo xirayay Machadka ayaa waxaa ka qeybgalay Wullaada Jubooyinka,Bay iyo Bakool iyo Galgaduud.Culumaa’udiin,Odayaal Dhaqan iyo Abwaanno.

Haddaba Barnaamijka Gaarka ah oo aynu ka diyaarinay xaflada ayaannu idinku badalnay Barnaamijka Diirada Jimcaha oo maanta oo kale aad dhageysan jirteen.

Hoos waxaannu idinkugu soo gudbin doonaa sawirada xaflada iyo Barnaamijka gaarka ah.

FG:Ragga safka ku jira ee wata dharka isku eg waa Ciidamada Dowladda ka goostay ee uu isbadalay Dhaqanqooda iyo Muuqaalkooda.

Halkaan Ka Dhageyso Barnaamij Gaar ah Dowrada Towbad keenayaal oo 46 Gaaraya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.